
Prestige waxay qabataa dhammaan adeegyada turjumidda luqadaha iyo wada-xiriirka waaxyaha dadweynaha oo ay ku jiraan kuwa dawladaha hoose, waaxda caafimaadka NHS-ta, samafalka, booliiska iyo hay’adaha kale ee dadweynaha.
Waxa la aasaasay in ka badan toban sano ka hor, waxaana Prestige ay dariiq cusub u furaysaa adeegyada luqadaha – oo ah dhinac aan hadda ka hor looga baran in kuwa dhaqan ahaan bixiya adeegyadan laga helo adeegyo ay xirfadda iyo tayadiisu sarraysiiyo oo ay helaan macaamiishu.
Sumcadda iyo kalsoonida naloo hayo waxay noo soo jiidday macaamiil farabadan, kuwaasoo badankoodu ay noo yimaadaan kadib marka sidaas lagula taliyo.
Intaas ka sokow, waxaan xoojinaa iskaashiga macmiilka iyo adeegaha, waxaana taas suurtogeliya tayada shaqaalaheena takhasuska sare leh ee ku sugan xafiiska ama dibeddaba. Khabiirrada Prestige waxay macaamiisha u sahlaan ballaarinta fursadaha u bannaan si ay u bixin karaan adeeg horumarsan oo ka turjuma baahida is-beddalaysa ee bulshooyinka kala dhaqamada duwan ee degaankan ku nool.
15 sano oo waxqabad tayadiisu sarrayso
Ilaa sannadkii 1991, Prestige waxay horseedday teknoolajiyo cusub oo luqadeed, taasoo si muuqata uga jawaabaysa baahida sii ballaaranaysa ee bulshooyinka kala duwan.
Annagoo adeegsanayna khibradda tobanka sano ka badan ee aan u leenahay teknoolajiyada luqadaha, waxaan ku dhaqaaqnay adeegyadeena turjumaadda luqadaha annagoo bilownay turjumidda qoraallada. Isla bilowgiiba, waxaan isticmaalnay shaqaalahayaga khibradda dheeraadka ah leh iyo kuwo kale oo talo bixintoodu ka timid ilo dibedda ah.
Sida ay caadiyan u kala duwan yihiin baahiyaha luqadeed ee waaxda adeegyada dadweynaha iyo tan dhinaca ganacsiga, waxa jira bartil-maameedyo la xiriira qaabka dirista elekteroonikada ah iyo daabacaadda internetka iyo tan qoraalka ah. Prestige waxay leedahay khibradda iyo kartida ay ku bixin karto habka ku habboon gaarista bartilmaameed kasta – sida uu hadba codsado macmiilku.
Anagoo kasii amba-qaadayna guulaha aan ka gaarnay turjumaadda qoraalka ah, waxaan soo bandhignay daabacaad afaf kala duwan ah oo ay ku xigto turjumaad fool-ka-fool ah iyo tan telefoonka. Maadaama ay tasiilaadka iyo nidaamka maamulku ay hore u jireen, soo bandhigidda adeegyada cusub waxay ahayd tallaabada xigta ee caqli galka ah si loo ballaariyo dhinacyada adeegyada aan bixino.
Prestige Network – bixinta adeegyada luqadaha sida ay dooratay waaxda u adeegta dadweynaha UK
Nala soo xiriir - waxaan sugaynaa inaan kuu adeegno!